Calendar
July 2018
M T W T F S S
« Jun    
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  

 

( Garoowe July 12.2018), Shir looga hadlayay sidii habaca looga saari, loona dar-dar gelin lahaa wada shaqeynta qaanuuneed ee xafiisyada xeerilaalinta iyo ciidanka booliiska, wuxuuna shirkaasi ka dhacay xafiiska xeerilaaliyaha guud ee DPS, waxaana shir gudoominayay xeerilaaliyaha guud ee DPS Dr.Maxamud Xasan Aw Cismaan, waxaana kasoo qeybgalay shirkaas:-

  1. Ku xigeenka Xeerilaaliyaha guud ee DPS.
  2. Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka gobolka Nugaal.
  3. Gudoomiyaha Maxkamada darejada 1aad degmada Garoowe ee gobolka Nugaal.
  4. Xeerilaaliyaha gobolka Nugaal.
  5. Taliyaha qaybta ciidanka booliiska ee gobolka Nugaal.
  6. Taliyaha saldhiga booliiska ee bartamaha ee degmada Garoowe.
  7. Madaxa barista dembiyada ee saldhiga booliiska ee degmada Garoowe.

Shirkaas waxaa looga hadlay qodobada kala ah:-

  1. Sidii loo adkayn lahaa amniga caasimada dowlada Puntland, isla markaana in gacan bir ah loogu qaban lahaa ciddii khalkhal gelinaysa nabadgelyada, xasiloonida iyo amniga guud siiba caasimada Puntland.
  2. Dar-dar-gelinta kiisas kiisaska sida baarista kiisaska, eedaynta eedaysanayaasha khatarta ku ah amniga iyo nabad gelyada guud siiba amniga caasimada dowlada Puntland.
  3. Sida loo waafajin lahaa nidaamka qaanuuneed wada shaqeynta xafiisyada xeerilaaliyayaasha gobolada siiba gobolka Nugaal iyo ciidanka booliiska heer degmo iyo gobolka Nugaal.

Dood iyo falanqeyn dheer kadib waxaa laysku raacay in shir kale laysuga yimaado shir kale maalinta sabtida ah oo ay taariikhdu tahay July 14.2018.

 (Qore:- Faarax Iidle Sulaymaan).

 Fiiri sawirada ka soo qeyb galayaasha shirka:-

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *