Calendar
November 2018
M T W T F S S
« Jul    
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  

XALFAD  LAGU DAAH  FURAYAY  XEERKA, KA HORTAGA DAABULKA IYO KA GANACSIGA  DADKA EE PUNTLAND.

 

{ Garoowe October 10th, 2018} Xafiiska Xeer ilaalinta Guud ee Dawlada puntland oo kaashanaya Hay’adda IOM ayaa magaalada Garoowe ee caasimada puntaland  ku soo bandhigay Xeerka Daabulka iyo Kaganacsiga Ddka,waxaana ka soo qaybgalay Madaxweyne ku xigeena Dawlada puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Camay ,Wasiirka warfaafinta ,Amniga,Cadaalada,Haweenka,Xafiiska Xaququl iinsaanka,bulshada rayidka ah iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.

Xeerkan ayaa Baarlamaanka puntland ansixiyeen19-Bishii November sannadkii 2017-ka waxaana si rasmi ah maanta dhaqangalkiisa luugu daah furaya magaalada Garoowe gaar ahaan xarunta PDRC.

Xeerka ayaa muhiimad gaar ah ugu fadhiya shacabka puntland, waxaa mudnaantiisa iyo marxaladihii uu soo maray faahfaahin ka bixiyay ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud Maxamed Xareed Faarax iyo sarkaal ka socday Hay’adda IOM.

Xafiiska Xer ilaalinta ayaa kusifeeyey talaabadan hirgelin teeda mid mudo dheer loo baahnaa, waxayna uga mahad celiyeen cid kasta oo gacan ka gaysatay gaar ahaan Hay’adda IOM oo door ka qaadatay samayntiisa.

Wasiiradda Wasaaraddaha Cadaalada iyo Haweenka ayaa sheegay in looga baahan yahay dhinacyada oo dhan in dhaqangal laga dhigo Xeerka, si guud ahaaba baahida bulshada u qabto meesha uga baxdo loona helo Xeer lagula dagaalamo ka ganacsiga dadka.

Madaxweyne ku xigeeenka Dawlada puntland ahna siihaya xilka madaxaweynaha ayaa sheegay in ay ka go’an tahay Xukuumadooda in lala dagaalamo cid kasta oo wada ka ganacsiga Ummadda,wuxuuna soo qaatay arimaha Tahriibta oo  Xeerkan uu wax badan ka qabandoono.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa digniin u diray dadka  wada ka Ganacsiga iyo daabulka dadka oo uu sheegay in ay dambi gacanta kula jiraan, oo maanta la meelmariyey Xeerkii lagu ciqaabi lahaa loona baahan yahay in ay Hay’addaha Dawladda oo dhan fuliyaan.

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *