Calendar
November 2018
M T W T F S S
« Jul    
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  

Tababarka qaybtiisii 3aad ku saabsan aqoon korarsi Xeer ilaaliyasha, Garsoorayash iyo Booliska

{Garoowe-13-10th-2018}  Tababar ay soo wadeen Xafiiska Xeer ilaalinta Guud iyo Wasaarada Cadaalada qaybtiisii 3aad ayaa loo furmay Xeer ilaaliyasha ,garsoorayash iyo Booliska.

Waxaana Tababarkaas furay ku xigeenka Xeer ilaaliye Guud  Dr: Moxamed Xareed Faarax iyo sarkaal ka tirsan hay`ada EU-CAP  Tababarkaas oo  soconayay  lix maalmood .

Waxaana si wada jir ah u qabtay  Xafiiska xeer ilaaalinta guud iyo wasaaradda cadaaladda oo iskaashanaya ayaa tababar   uqabatay Xeerilaaliyayasha, garsoorayaasha  iyo Booliska  kuwaas   sidoo kale  tababarkaas waxaa kasaacidayay xafiiska xeer ilaalinta iyo wasaradda cadaaladda hay`adda EU-CAP.

 

Tababarkaaan casharada laga bixinayay waxay kala ahaayeen, xeerka ciqaabta, xeerka habka ciqaabta, xeerka madaniga, xeera habka madaniga, habka barista kiisaska iyo xiriirka garsoorka iyo booliska dhex mara, xuquuqul insaaanka, iyo xeerka anshaxa garsoorka.

 

Lixda maalmood uu socday tababarku, wuxuu ahaa mid kor loogu qaadayo tayada iyo aqoonta garsoorka iyo xeer ilaalinta iyo booliska, oo kala ah kuwo had iyo jeer shaqadoodu isku xirantahy lana rabo in ay si dhaw oo hufan   uwada shaqeeyan, tababarkaas waxaa uu ahaa tababr aad looga faa`iiday casharo kala duwana lagu bixiyay.

 

18-10-2018 ayaa lasoo gabagabeeyay tababarka waxaana so xiray Chief Prosecutors Puntland Cabdiqani Faarax Maxamuud, waxaana uu umahadceliyay hay`ada EU-CAP kulana dardaarmay garsoorayasha iyo booliska inay casharada ay qaateen ku dhaqmaan, sidoo kale sarkaal ka socday EU-CAP ayaa umahadceliyay xafiiska xeer ilaalinta soo abaabulkiisi tababarkaas, waxaana uu balan qaaday inay sii wadayaan tababarada ay ku taageerayaan garsoorka iyo booliska.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *